Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif & Cali Guudlaawe?

by admin | Monday, Oct 18, 2021 | 400 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Kulanka oo ka dhacay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed waxaa diirada lagu soo saaray Arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen sidii wanaagsaneyd ee uu hogaamiyay doorashadii xubnaha Aqalka sare ku matalaya Hirshabeelle, oo u dhacday si daahfuran.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo ay yeelanayaan siyaasiyiinta dalka, iyaga oo ka wada hadlaya arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response