Maxay Kenya ka baqeysaa oo aysan ka baqeyn dalalka Qatar, Ethiopia iyo Turkey?

by admin | Sunday, May 12, 2019 | 764 views

Seddex maalin ka hor Sagaalkii Bishaan May dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

Go’aankaasi ayaa waxay Kenya ku sheegtay in diyaaradaha ka yimaada magaalada Muqdisho lagu baari doono magaalada Wajeer, iyadoo arintaasi loo sameeyay sabab dhanka amaanka ah.

Muddo labo Saacadood oo baaritaan ah ayay diyaaradaha kusii maraan garoonka diyaaradaha ee Wajeer, waxaana waaxda amaanka ee saadaasha Hawada Kenya ay sheegtay in sabab amaan go’aankaasi loo qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aanka Kenya ku tilmaantay mid siyaasadi ka dambeyso oo aysan sax ahayn sheekada amniga la xiriirta, amniga Garoonka Aadan Caddena suganyahay.

Haddaba sidee loo sugaa amniga Garoonka Aadan Cadde

Like it? Share it!

Leave A Response