Maxay Madaxda Maamulka Hirshabeelle kaga wada Tageen magaalada Jowhar?

by admin | Thursday, Dec 20, 2018 | 777 views

Magaalada Jowhar oo ah caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa noqotay magaalo ay kawada tagaan madaxda maamulka Hirshabeelle , Kan gobolka iyo kan degmada Jowhar.

Labadii Todobaad ee lasoo dhaafay ma jirin kulan wasiiro oo ka dhacay magaalada Jowhar, sidoo kale ma jirin dhaqdhaqaaq maamul maadaama afarka masuul ee ugu sareysay ay ka tageen magaalada.

Waxaa sido kale la dareemay inay magaalada aad u yaraadeen ciidamadii joogi jiray, maadaama ilaalada afarta masuul ee ugu sareysay ay qeyb ka ahaayeen kuwa xaqiijinayo amaanka magaalada Jowhar.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa intooda badan ka maqan magaalada Jowhar iyaga oo heystay fasaxooda caadiga ah, waxaana uu ku eg yahay 21 December oo beri ku beegan, balse waxaa muuqata in kulankooda uusan furmi karin maadaama guddoonka baarlamaanka ka maqan yihiin Jowhar.

Madaxweynaha iyo xigeenkiisa, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenka koowaad ayaa ka maqan Jowhar, waxaa sidoo kale maamulka Degmada ay ka maqan yihiin magaalada, iyagoo masuuliyiinta inta badan ku sugan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa muddo kooban ama dhowr jeer oo kali ah qabtay shirka Golaha Wasiirrada, taas oo micnaheedu tahay in waxbadka dowladnimo ee ay u baahanyihiin dadka Hirshabeelle aysan ku heysan maamulkooda.

Amaanka Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ah mid sii xumaanaya iyada oo Al-shabaab ay go’doomiyeen waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar islamarkaana saraakiisha maamulka Hirshabeelle aysan dhulkaba mari karin.

Inta badan xildhibaanada iyo xubnaha kale ee maamulka Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxayna ku laabtaan magaalada Marka doorasho ama mooshin uu jiro, taasi oo caqabad ku ah horumar uu gaaro maamulka Hirshabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response