Maxbuus hore uga tirsanaa Daacish oo ku geeriyooday xabsiga Dhexe

by admin | Thursday, Jan 9, 2020 | 586 views

Maxbuus hore uga tirsanaa Daacishta Soomaaliya ku xukunaa xabsi gaaraya 15 sano ayaa ku geeriyooday xalay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Mahad Maxamuud Abuu Yaasiin ayaa haystay dhalashaada wadanka Ruushka ayaa u geeriyooday xanuun hayay todobaadyadii la soo dhaafay.

Mahad Maxamuud Abuu Yaasiin ayaa waxaa uu horay daacad ugu noqday hoggaamiyihii hore ee Daacish Abuu Bakar Al Baqdaadi isaga oo ballanqaaday in Daacishta Syria iyo Ciraaq oo kale uu ka sameynayo Soomaaliya.

Dhowaan ayaa waxaa gudaha xabsiga Muqdisho ku geeriyooday maxbuus ku xanuunsaday isagoo taliyihii xilligaas uu u diiday in lagu daweeyoisbitaal gaar loo leeyahay.

 

Like it? Share it!

Leave A Response