Maxbuuskii Shabaabka ee ku baxsady weerarkii xabsiga dhexe oo xog laga helay

by admin | Tuesday, Aug 11, 2020 | 538 views

Xogo dheeriya ayaa kasoo baxaya weerarkii shalay ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, oo la sheegay inuu ku baxsaday maxbuus Shabaab ahaa oo xukun ugu xirnaa xabsigaasi.

Weerarkaasi ayaa waxa uu fududeeyay baxsadka maxbuus ku xirnaa xabsigaasi oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo magaciisa ay shaacisay idaacada VOA-da ee laanteeda Afka Soomaaliga.

Ilo dhinaca amniga ah ayaa VOA-da u sheegay in Mubaarak Ibraahim Iidle oo ka mid ahaa maxaabiista xabsiga, lana xukumay 2014 isaga oo lagu xukumay toban sano oo xarig ah, uu ahaa maxbuuska ka baxsaday xabsiga.

Mubaarak ayaa xiliguu ku howlanaa qorshihiisa baxsadka uu labo qof ku dilay banaanka xabsiga, sida ay xaqiijiyeen Ciidamada amnigu.

Baxsadka maxbuuskan ayaa loo aaneynaya habacsanaan amni oo ka jirta xabsiga dhexe, iyada oo shalay weerar culus uu ka dhacay gudaha xabsigaasi, kaasi oo ay fulinayeen maxaabiis Shabaab ah oo uu hub gacanta u galay.

Dowladda federaalka ah ayaa iyaduna guddi lix xubnood ka kooban u saartay qaabka hubka lagu gaarsiiyay maxaabiistii weerarkaasi fulisay, kaasi oo sababay dhimashada 19-qof iyo dhaawaca toddoba kale.

Waxaana weerarkaasi loo adeegsaday bambaanooyin iyo bastoolado, taasoo sababtay in uu dheeraado soo afjarida weerarkaasi oo qaatay muddo saacado ah, iyada oo ugu dambeyntiina ay soo afmeeren ciidamadu.

Like it? Share it!

Leave A Response