Maxkamad u ogolaatay Museveni in uu Madaxweyne u tartamo 2021

by admin | Friday, Jul 27, 2018 | 1106 views

Sidda ay shaacisay Warbaahinta dalka Uganda Maxkamada ku taalla dalka Uganda ayaa xalay ridday xukun ay ku taageerayso isbadal ay baarlamaanka dalkaasi ku sameeyeen dastuurka, taasi oo meesha ka saartay qodobkii xaddadiyay da’da cidda u tartamaysa madaxwaynanimada in ay noqoto mid ka sareysa 35 sano islamarkana uusan qofka ka waynaan 75.

Qaadiyadda Maxkamadda  ayaa xukumay in laalida da’da madaxweynenimo aysan meesha ka saareyn awoodii ay dadku u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaaan, sida uu qeexayo qodobka koowaad ee dastuurka dalkaasi.

Wax ay intaas ku dareen garsoorayaashu in baarlamaanku ay ku saxnaayeen isbadelkii ay sameeyeen, waxa ayna ku dhawaaqeen ansaxnaashaha isbadelkaasi.

Golaha garsoorayaasha oo gaarayay shan ayaa afar ka mid ah waxa ay isku raaceen in isbadelka baarlamaanku ay ku saameeyn dastuurka dalka uu ahaa mid sax ah.

Dhammaan garsoorayaasha ayaa ku garab istaagay baarlamaanka meel marinta sharcigan, maadaama baarlamaanku u codeeyeen in muddada xileedka madaxweynaha laga dhigo ilaa 7 sano

Madaxweyen Museveni ayaa haya tallada dalka Uganda muddo 32 sano ah, isla markaana sharciyan uma suuragaleyso inuu u tartamo doorashada 2021 hadii sharcigan xadidaada da’da madaxweynaha uu sii jiri lahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response