Maxkamada gobolka Banaadir oo dib u dhigtay dacwada Wariye Gurbiye

by admin | Tuesday, Jul 7, 2020 | 408 views

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay dacwadda loo heysto Wariye Cabdicasiis Gurbiye ka dib maanta lasoo taagay Maxkamada gobolka Banaadir.

Qareenka u doodayay Wariyaha Daahir Carab  ayaa sheegay in ay sameeyeen ishor istaag sharci ku saabsan dacwada loo heysto Wariye Gurbiyo ka dib markii ay caddeeyeen in aan loo adeegsan karin xeerka Ciqaabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in ay sugayaan go’aanka Maxkamada gobolka Banaadir ay ka soo saari doonto in ay halkaasi kusoo dhamaatay dacwada Wariyaha iyo in ay sii wadi karaan.

14-kii Bishii April , Cabdicasiis waxaa loogu yeeray saldhigga degmada Hodan waana la xiray afar maalmood ka dib markii uu dhaleeceyay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyadda qaabka ay ula tacaashay Cudurka Corona virus Warbixin uu kusoo daabacay bartiisa Facebook.

Cabdicaasii ayaa maalmo ka dib  damiin lagu sii daayay , laakiin waxay uga digeen inuu sii wado faallo kasta oo xasaasi ah oo ay ka mid tahay Covid-19.

Laakiin usbuucii la soo dhaafay, maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u yeertay Cabdicasiis iyadoo lagu soo oogay dacwado ah “aflagaado [maamul] hay’ad siyaasadeed, maamul ama garsoor,” iyo “daabacaad warar been ah.

Like it? Share it!

Leave A Response