Maxkamada Sare ee Puntland oo Go’aan ka gaartay kiiskii Caaisha Ilyaas

by admin | Thursday, Aug 22, 2019 | 606 views

Maxkamada Sare ee Puntland ayaa Maanta Go’aankii ugu dambeeyay ka gaartay rag loo heystay kufsigii iyo dilkii Waqooyiga Magalada Gaalkacyo loogu geystay Bishii Febaraayo ee sanadkaan Caaisho Ilyaas Aadan.

Kiiskaan ayaa waxaa loo heystay horayna loogu xukumay ilaa Saddex rag ah oo laba ka mid ah ay walaalo yihiin,waxaana Maxkamada Sare ee Puntland ay Maanta ku xukuntay dil raggaas oo horay dil ay ugu xukuntay Maxkamada Gobolka Nugaal,hayeeshee ay racfaan ka qaateen.

Ragga loo heysto kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa, Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo walaalo ah  iyo, Cabdishakuur Maxamed Digge.

Goobta uu xukunka ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Maxkamada Sare ee Puntland, ehelada Caaisho Ilyaas & Ragga la xukumay iyo dadweyne kale,waxaana kiiskaas uu ka mid noqday kiisaskii ugu adkaa ee soo mara Maxkamadaha kala duwan ee Maamulka Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response