Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday Askari

by admin | Saturday, Sep 22, 2018 | 1154 views

Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa xukun dil ah ku riday Askari ka tirsan Ciidanka dowladda kaasoo nin Mooto Bajaajle ah ku diley Magaalada Beledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan 27-dii Bishii lasoo dhaafay.

Askari xukunka dil ah lagu riday ayaa lagu Magacabaa Maxamed Xuseen Siidow waxaa uu ka mid ahaa Ciidamada Booliska ee Gobolka Hiiraan.

Askariga xukunka dilka ah lagu riday Marxuumka uu dilay ayaa lagu  Magacaabi jiray Yaasiin Cali Saneey.

Xasan Cali Nuur Shuute, Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo ku sugan Magaalada Baledweyne ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday Askari, waxaana uu sheegay in maxkamadda Ciidamada ay tilaabo ka qaadi doonto Cidwalba oo dhibaateysa Shacabka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sidoo kale sheegay in askariga xukunka lagu riday uu u furan yahay inuu qaato racfaan.

Like it? Share it!

Leave A Response