Maxkamadda CQS oo dil toogasho ah ku fulisay Askari ka tirsan CXD oo Askari kale ku dilay Magaalada Xarardheere

by admin | Monday, Sep 18, 2023 | 18 views

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini) oo horay Magaalada Xarardheere ugu dilay Saacid Cali Cabdi Shabeel oo ay Ciidanka Xoogga ka wada tirsanaayeen ku fulay dil toogasho ah.

Toogashada Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini) ayay maxkamadda qalabka sida qeybta wareegto ka fulisay magaalada Xarardheere ee Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri “Toogasho ayaa lagu Fuliyay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini). Hore ayuu Xarar-dheere ugu Dilay Saacid Cali Cabdi Shabeel oo ay military-ga ka wada tirsanaayeen September kow iyo Tobankeedii Sanadkan. Waa fariin loo Dirayo Ciidanka oo ah in ay Dilaan Cadowga balse aan Hubka loogu dhiibin Iyaga in ay is dilaan.”

September 15, 2023-ka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybta 21aad ayaa xukun toogasho ah ku ridday Shariif Abshir Cabdiraxmaan (Shariif Jinni) oo lagu eedeeyay in uu dilay Saacid Cali Cabdi (Shabeel) oo ay kawada katirsanaayeen Ciidanka Xoogga.

Sidoo kale isla maalintaas Maxkamadda ayaa xukun sanad xabsi ah ku ridday Mursal Maxamed Cabdi (Canjeex) oo dhankiisa ku eedeysan in uu qalqalgelin ka geystay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug kaddib markii uu riday Rasaas sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda CQS qaybta 21aad Gaashaanle dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan Shadoor.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xilligaas u digtay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku howlan qalqalgelinta Amniga sida in ay ridaan rasaas ama ay dhexdooda isku geysaan dhibaatooyin waa sida uu hadalka u dhigay.

Like it? Share it!

Leave A Response