Maxkamadda G/Banaadir oo go’aan ka gaareysa Kiiska Wariye Gurbiye

by admin | Wednesday, Jul 29, 2020 | 639 views

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa la filaya inay go’aankii ugu dambeeyay kasoo saarto Kiiska Wariye Cabdi Casiir Axmed Gurbiyo oo ah Tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.

23-kii Bishaan ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir ay soo geba-gabeysay dhageysiga dacwadda Wariye Gurbiyo,waxaana Daahir Carab oo kamid ah qareenada u doodayay Cabdi Casiis Axmed Gurbiye uu sheegay in Xeer ilaalinta ay soo bandhigtay eedeynta loo heysto Wariyaha sidoo kale qareenada dhankooda ay soo bandhigeen waxyaabaha ay ku difaacayaan Wariyaha.

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa sheegay in Qareenada Wariye Gurbiye ay i adag u difaaceen,balse ay nasiib darro tahay in Xeer ilaalinta keeneen qof baaro ah oo booliska ka tirsan iyo Warqad saaka la soo qoray si eedo been abuur ah loogu soo oogo Wariye Cabdi Casiis Axmed Gurbiya.

Tifaftiraha warbaahinta Goobjoog Wariye cabdi Casiis Axmed Gurbiye ayaa la sheegay inay soo dacweysay Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana loo heysto War uu ku qoray bartiisa Facebook.

Like it? Share it!

Leave A Response