Maxkamadda ICJ oo u yeertay Soomaaliya iyo Kenya

by admin | Friday, Oct 4, 2019 | 806 views

Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa waxaa ay u yeertay dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo muran dhinaca Badda ah uu ka dhaxeeyo,isla markaana dacwad la xiriirta kiiskaas ay taallo Maxkamadda.

U yeeritaanka labada dhinac ayaa ka dambaysay markii la sheegay in Kenya ay soo gudbisay codsi kale oo ahaa in dib loo dhigo dhagaysiga ilaa bisha Sebtember 2020-ka.

Soomaaliya ayaa la sheegay inay codsigaasi cusub ee ka yimid Kenya ay gaashaanka ku dhufatay, ayna ku adkaysatay in dhagaysigu uu bilowdo bisha Noofembar ee soo socota 4-teeda sidii ay hore maxkamaddu u muddaysay.

Waa markii labaad ee Kenya ay codsato in dib loo dhigo dhagaysiga.

Labada dawladood ayaa la sheegay inay isku mari waayeen dib u dhigis mar labaad lagu sameeyo dhagaysiga dacwadda, taasi oo keentay inay maxkamaddu u sheegto labada dawladood inay iyadu gaari doonto go’aan, ayna ka doonayso labada dawladood inay aqbalaan.

Sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed waxaa magaalada The Hague ee xarunta maxkamadda ICJ gaadhay wufuud ka kala socota labada waddan oo ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, iyo Sharci-yaqaanka guud ee Kenya Kennedy Ogeto.

Wufuudda labada dhinac ayaa muddo kooban ku gaaray The Hague kadib markii ay maxkamaddu u yeertay, waxaana wakiillada Soomaaliya ay ka kala yimaadeen magaalada Muqdishu iyo dalka Maraykanka.

Madaxweynayaasha labada waddan ayaa bishii hore ku kulmay magaalada New York intii uu socday kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyadoo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku baaqay inay labada dawladood wada hadlaan, halka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in loo baahan yahay in maxkamadda ICJ ay go’aan garsoor ka gaarto muranka badda.

Dhagaysiga dacwaddan ayey ahayd inuu dhaco 9-13 kii bisha Sebtember ee aynu soo dhaafnay hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay codsi ka yimid dhinaca Kenya oo ku dooday inay qabsanayso qareenno cusub.

Like it? Share it!

Leave A Response