Maydadka Muwaadiniinta Kenya ee la socday Diyaaradda African Express oo loo qaadayo Nairobi.

by admin | Wednesday, May 6, 2020 | 454 views

Magaalada Muqdisho waxaa xalay fiidkii la keenay Meydadka Muwaadiniin u dhalatay dalka Kenya oo ay ku jireen Duulliye iyo caawiyihiisa oo la socday diyaaradda African Express oo ku dhacday Degmada Bardaale ee Gobolka Bay.

Maydadka oo baaris lagu sameeyay jirkooda ayaa la geliyay qaboojiyaal, waxaana maanta lagu wadaa in laga qaado Garoonka diyaaradaha Aadan Cadda ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Maydadka la diyaariyay, isla markaana xalay la keenay Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa socda baarista ay iska kaashanaan qubaro ka kala socda Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya oo ay wehliyaan kuwo caalami ah si loo ogaado in diyaaradda ay dhacday in la rido.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo xiriir la sameeyay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta waxa ay kawada hadleen sidii loo sameyn lahaa Baaris lagu caddeynayo sida ay wax u dhaceen.

Waxaa jira tuhun la xiriira in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Bardaale ee Gobolka Bay, inkasta oo aan illaa haatan lasoo bandhigin Natiijada baarista oo caddeynaya ama beeninaya jiritaanka warkaan.

Like it? Share it!

Leave A Response