MEYDAD LAGU ARKAY DEGAANKA MUBAARAK KADDIB DUQEYN XALAY DHACDAY

by admin | Wednesday, Sep 12, 2018 | 1030 views

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in halkaas weerar ay ka geysteen diyaarado dagaal.

Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerar qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanka Mubaar ay ku dileen xubin ka mid ah AL-shabaab kuwo kalena ku dhaawaceen.

Bogga Twitter-ka ee NISA, qoraal lagu qoray waxaa lagu sheegay in howlgalka inta uu socday ay dhacday is rasaaseyn muddo socotay

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Dadka degaanka Mubaarak ayaa sheegaya in meydadka Labo Askari saaka lagu arkayo Waddooyinka Magaalada.

Dadku ma sheegin meydadkaasi ka tirsanaayeen Ciidamada Al-shabaab ama kuwa dowladda Soomaaliya ee weerarka geystay.

Xogo ay heshay Idaacadda Mustaqbal ayaa muujinaya in howlgalka ay ku lug lahaayeen Labo diyaaradood oo kuwa Helicopter-ka loo yaqaanno ah.

Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka hortagayeen weerar Al-shabaab ay ku qorsheynayeen Magaalada Mubaarak oo ay ka fulin lahaayeen Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response