Meydadka Askar Kenyan qarax lagu dilay oo la geeyay Wajeer

by admin | Sunday, Jun 16, 2019 | 696 views

Duhurnimadii shalay oo Sabti aheyd  ayaa askar ka tirsan ciidamada Kenya waxaa qarax lagula eegtay  inta u dhaxeysa deegaannada Qoraf Xaraar iyo Konton oo aad ugu dhaw xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

In ka badan 10 askari oo Kenyan ah ayaa qaraxaasi ku geeriyooday,kuwaas oo saarnaa gaadiidka qaraxa lala eegtay,waxaana qaar ka mid ah askarta qaraxaasi ku geeriyootay oo gaaraya ilaa Saddex  la geeyay Magalada Wajeer ee Gobolka Waqoyi Bari dalka Kenya oo deegaan ahaan ay kazoo jeedeen.

Ehelada askarta geeriyootay iyo saraakiisha iyo maamulka Magalada Wajeer ayaa ku sugnaa Goobta la geeyay meydadka,waxaana ay sheegeen inay aad uga xun yihiin askarta ay qaraxa ku dileen Ururka Al-Shabaab.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Ciidamo ka tirsan booliska iyo millatariga Kenya lagu weeraro deegaanada dhaca xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya,waxaana qarixii shalay sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo sheegay inay dileen 11 ka tirsan Ciidamada Kenya oo ay qaraxa la eegteen, hayeeshee saraakiisha Ciidamada Kenya ay qireen 10 askari.

Like it? Share it!

Leave A Response