Meydadka Dad Oromo ah oo laga helay Boosaaso iyo howlgallo ka socda

by admin | Wednesday, Aug 8, 2018 | 1080 views

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta laga helay Meydadka labo ruux oo Oromo ah, kuwaasoo oo la sheegay in la dilay.

Qaar ka mid ah dadka kunool Boosaaso ayaa Warbaahinta u sheegay in labadda ruux Mid ka mid ah Qoorta laga jabiyay sidaasna uu ku dhintay.

Labo ruux ayaa la sheegay in ahaayeen dhalinyaro, islamarkaana si xun loo dilay.

Lama ogga Cidda falkaasi geysatay ,Laakiin maalin sii horaysay ayaa muuqaal nin Oromo ah oo la dilaayo lagu baahiyay Baraha Bulshadda.

Ciidamada Ammaanka gobolka Bari ayaa bilaabay howlgal ay ku baadigoobayaan dadka dilka u geysanaya Oromadda.

Maamulka gobolka Bari ayaa shalay digniin adag kasoo saaray falalka lagu laynaayo dadka Oromadda ah

Like it? Share it!

Leave A Response