Meydka Haweeneey La Xir Xiray Lana Gowracay Oo Laga Dhex Helay Musqusha Gurigeeda{sawiro}

by admin | Saturday, Sep 22, 2018 | 930 views

Haweeney ayaa meydkeeda laga helay Kilimani Nairobi guri ay daganeyd ayadoo garba duub u xiran lana qalay.

Waxaa laga dhex helay baafka qubeyska ama musqusha qubeyska. Kaligeed ayaa ku nooleyd halkaas. Haweeneydaasi oo jirtay 28 sano ayaa ahayd ganacsato waxaana ay ka timid South Sudan dhawaan.

Walaasheed oo soo booqo islahayd ayaa qasab ay ku noqotay inay soo jebiso albaabka maadam wax ka fura ay weyday sidaasi ayaana ay meydka ku aragtay.

Waxaa la oran jiray NyawiramMaadam ay xirxirneyd ayaa la aaminsan yahay in la jir dilay ka hor intii aan la gawricin.

South Sudan ayaa ay ka shaqeyn jirtay waxaana dhawaan ay dooneysay inay u safarto Dubai.

Booliska ayaa iminka su’aalo weydinaya waardiyaha iyo qofka mas’uulka ka ah dhismeha ay wax ka degganayd.

Like it? Share it!

Leave A Response