Meydka laba Carruur ah oo uu dhalay Xildhibaan hore oo laga helay duleedka Baydhabo

by admin | Thursday, Apr 8, 2021 | 308 views

Labada Carruurta ah oo uu dhalay Xildhibaan hore Sheekh Aweys Cabdullaahi oo kamid ahaan jiray Baarlamaankii Sagaalaad ayaa meydkooda waxaa saaka laga helay duleedka Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Labada Carruurta ah oo kala ah gabar iyo Wiil ayaa shalay loo diray Dugsi Qur’aan ay dhiganayeen, balse la waayay ilaa xalay, iyada oo saaka laga helay duleedka magalada Baydhabo meydkooda, iyaga oo kiliyaha iyo beerka lagala baxay.

Qof kamid ah dadka ku nool Magaalada Baydhabo oo Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay sida Carruurta lagu waayay iyo falka loo geystay oo aan la ogeyn dadka ka dambeeyay.

“ Walaalayaal waxaan aad uga naxay geerida lama filaanka ah ee caruurta yar ee walaalaha ah, Arbacadii shalay waxay Aadeen Dugsi Qur’aan kadib waa lawaayay, waxaa la sheegayaa in saaka aroortii hore ayagoo meyd ah laga heley hareeraha magaalada, waxaana la sheegey in qayb jirkooda kamid ah (kiliyaha/beerka) ay maqan yihiin ayuu yiri” Qof ku sugan magaalada Baydhabo.

Like it? Share it!

Leave A Response