Michael Owen Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Chelsea v Manchester United Ee Duhurnimada Maanta Ka Dhacaya Stamford Bridge

by admin | Saturday, Oct 20, 2018 | 981 views

Waxaa maanta shaashadaheena ku soo laabanaya tartamada horyaalada Yurub ka dib markii la soo laabtay ciyaarihii caalamiga, kulanka ugu adag isbuucaan waxa uu duhurnimada maanta ka dhacayaa garoonka Stamford Bridge marka ay Chelsea soo dhaweyso kooxda Manchester United.

Jose Mourinho oo cadaadis badan uu saaran yahay ayaa booqanaya garoonkiisii hore isagoo rajeynaya inuu markii ugu horeysay guul ku soo gaaro tan iyo markii uu macalin u noqday Manchester United.

Weeraryahankii hore ee Liverpool iyo Manchester United Michael Owen ayaa saadaaliyay kulanka ugu adag isbuucaan, waxaana uu u janjeersaday dhanka kooxda Blues isagoo aan wax kalsooni ah ku qabin kooxdiisa hore.

Isagoo ka hadlayay ciyaartaan maqaalkiisa uu ku qoray BetVictor waxa uu yiri:

“Chelsea waxaa laga badiyay kaliya hal kulan 16kii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay soo dhaweeyeen Manchester United, waxaana filanayaa in kooxda martida loo yahay inay ilaashan doonaan rikoorka gurigooda.

“Jose Mourinho waa laga badiyay dhamaan seddexdii kulan uu booqday Stamford Bridge intii uu Man United macalin u ahaa, United waa ay ku qasban tahay inay difaaceeda ka adkeyso sidii ay aheyd qeybtii hor ee ekulankii Old Trafford ee Newcastle.

“United waxa ay u qalmaan in lagu amaano soo laabashadii ay sameeyeen kulankii Newcastle, laakiin kulankaan ayaa tijaabo rasmi ah u ah hamigooda horyaalka. Waxaan dareemayaa in Blues ay guuleysan doonto iyadoo isbuuca uu inoogu bilaabanayo kulan weyn.

“Waxaan saadaalinayaa in Chelsea ay 2-1 kaga badin doonto Manchester United.”

Kulamada kale ee uu saadaaliyay waxaa ka mid ah kulanka ay Liverpool u safreysa Huddersfield isagoo saadaaliyay in kooxdiisa hore ee Reds ay 3-0 ku badin doonto.

Manchester City ayaa iyadana maanta la ciyaareysa kooxda Burnley oo marti ku ah Etihad Stadium, waxaana Owen uu saadaaliyay in kooxda Pep Guardiola ay 2-0 ku badin doonto.

Arsenal oo la ciyaari doonta isbuucaan Leicester City ayuu Michael Owen saaaaliyay in Gunners ay 2-1 ku badin doonto.

Like it? Share it!

Leave A Response