Michael Rubin: Yamamoto wuxuu taageeray afgmabi ka dhacay gudaha Somalia

by admin | Saturday, Feb 8, 2020 | 597 views

Michael Rubin, oo ka tirsan machadka daraasaadka ee American Enterprise Institute ee Washington, ayaa ku eedeeyey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto inuu lacagta canshuurta laga soo qaaday dadka Mareykanka ku taageeray afgambi ka dhacay Soomaaliya.

Michael Rubin oo faallo ku qoray wargeyska The Washington Examiner ayaa sheegay in doorashadii dhowaan ka dhacday Galmudug ee lagu doortay Qoor-Qoor ay hareeyeen fadeexado la xiriira laaluush iyo musuq-maasuq xooggan.

Hase yeeshee, buu yiri, intii uu danjire Yamamoto eegi lahaa warbixinada noocaas ah, waxa uu soo saaray bayaan uu ugu hambaleeyey Qoor-Qoor, kuna qeexay doorashadiisa “mid bilow u ah hanaan dib u heshiisiin siyaasadeed.”

“Wixii Galmudug ka dhacay waxay ahaayeen afgambi Mareykanka uu taageeray ayada oo lagu caawinayo Farmaajo,” ayuu yiri Michael Rubin.

Michael Rubin ayaa sheegay in Farmaajo uu awood sheegasho iyo sidii uu ku taajiri lahaa ka doortay dimoqraadiyadda, horumarka iyo xasiloonida.

“Farmaajo waxa uu aad u xiiseenayaa inuu la loolamo kuwa siyaasadda uga soo horjeeda, intii uu ka hortagi lahaa halista kooxda aragagixisada ah ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Michael Rubin.

Rubin ayaa sheegay in baahida uu Yamamoto u qabo inuu guul ka gaaro Soomaaliya ay ku hoggaamisay inuu taageero madaxweyne Muqdisho ku sugan “oo aan dimoqraadi ahayn, waxna ku oolin.”

“Inuu hal bilyan oo dollar ku taageero hoggaamiye musuq-maasuqa ah oo aan dimoqraadi ahayn  [Farmaajo], Yamamoto wuxuu dhaawacay danihii Mareykanka ee Soomaaliya iyo Geeska Africa. Waxaa la joogaa xilligii dalka lagu soo celin lahaa,” ayuu yiri Rubin.

Like it? Share it!

Leave A Response