Mid ka mid ah Dhakhaatiir u afduuban Al-Shabaab oo fariin loo diray maalinta dhalashadiisa{sawiro}

by admin | Thursday, Sep 17, 2020 | 508 views

 Madaxweynaha wadanka Cuba ayaa hambalyo u diray mid ka mid ah laba dhakhtar oo u afduuban dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku xoogan Soomaaliya.

Madaxweyne Miguel Díaz-Canel ayaa twitter-ka soo dhigay fariin uu maalinta dhalashiisa ugu hambalyeynaayo Assel Herrera Correa oo muddo ku dhaw laba sanadood u af duuban kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida.

Sanadkii 2019 ayey aheyd markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay gobolka waqooyi bari Kenya ka afduubteen laba dhakhtar oo uu mid ka mid ah yahay Assel Herrera Correa.

Madaxweynaha Cuba wuxuu fariintiisa ku sheegay inuu la xiriiray ehalada dhakhtarka, sidoo kalana ay muujinayaan iney taageero la garab joogaan mar walba.

“Maanta wa dhalashada dhakhtarka reer Cuba, Assel Herrera Correa, kaas oo nasiib daro wali afduuban, waxaan taleefoon kula xiriiray walaalkiis iyo hooyadiis, waxaana u xaqiijiyay taageeradeena iyo sidoo kale dareenkeena” ayuu bartiisa twitter-ka kusoo qoray madaxweynaha maalintii shalay aheyd.

Labada dowladood ee Cuba iyo Kenya ayaa ka wada shaqeynaya sidii ay xoriyadooda dib u heli lahaayeen labada dhakhtar eek ala ah Landy Rodríguez Hernández oo qaabilsan qaliimada gaarka ah iyo Assel Herrera Correa oo daaweynta guunta ah.

Sida lagu helay xogo dhanka sirdoonka ah labada dhakhtar ayaa la sheegay in lagu haayo deegaano ka tirsan koonfurta Soomaaliya, horay ayeyna Kenya iyo Cuba uga wadahadaleen sidii loo wajahi lahaa badbaadinta dhakhtaatiirta.

Like it? Share it!

Leave A Response