Mid ka mida dalalka waaweyn ee Somalia ku riixaya Isbaheysi ay la gasho Itoobiya & Eritrea oo la ogaaday

by admin | Thursday, Nov 15, 2018 | 744 views

Waxaa soo shaac baxay mid ka mida dalalka Soomaaliya ku riixaya inay ka mid noqoto isbaheysiga saddex geesoodka ah ee dalalka Itoobiya, Somalia iyo Eritrea ee dhowaan sameysmay.

Isbaheysigan oo shaki weyn laga muujiyey, isla markaana aan faahfaahin badan laga helin ayaa waxa si weyn u bogaadiyey safiirka UK ee Soomaaliya u fadhiya David Concar, kadib kulan uu la yeeshay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Waxaan ka wadahadlnay horumarka arrimaha siyaasadda iyo Amniga ee Soomaaliya. Waxaan uga mahadceliyey dadaallada uu ku bixinayo nabadda iyo isku xirka Gobolka ee ku timid isku xirka heshiiska iskaashi ee uu la yeeshay Itoobiya iyo Eritrea..” ayuu yiri safiirka UK ee Somalia oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo xeel dheerayaal badan oo arrimaha Geeska Afrika ka hadla ay sheegeen in dalal waaweyn ay ka danbeeyaan isbedelka ka socda dalka Itoobiya.

Like it? Share it!

Leave A Response