Mid kamid ah xubnaha Guddiga Xaduudaha Hir-Shabeelle oo xilka laga qaaday

by admin | Sunday, Oct 20, 2019 | 637 views

Wasiirka arimaha gudaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadlle ayaa xilkii xubinnimo ka qaaday Aadan Cali Sedaw oo ka mid ahaa xubnaha Guddiga xaduudaha Hir-Shabeelle ee uu dhawaan magaacabay.

Aadan Cali Sedaw ayaa xaqiijiyey in laga qaaday ka sii mid ahaan shaha guddiga xaduudaha,isla markaana lagu badalay Xildhibaan Axmed Cabdi Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabelle.

Si kastaba tallaabadaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan mid kamid ah Xubnaha Guddha xaduuda Hir-Shabeelle uu ku dhawaaqay in uu is casilay.

Like it? Share it!

Leave A Response