Midowga yurub oo si xun u bahdilay Sacuudiga

by admin | Saturday, Feb 16, 2019 | 1258 views

Ururka Midowga ayaa bah-dilay boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib markii si rasmi ah uu ugu daray liiska madow ee dalalka halista ku ah ururkaas, taasi oo la filayey toddobaadyadii dhowaa..

Sacuudigan ayaa waxaa liiskan lagula daray dalalka Nigeria iyo Panama.

Warbixin kasoo baxday Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Sacuudiga liiska loogu daray sababo la xiriira, xakameyn la’aanta maal-gelinta argagixisada  iyo been xalaalaynta lacagaha.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka xun tahay go’aankan, ayada oo intaas ku dartay “Boqortooyada waxaa ka go’an la-dagaalanka ben xalaaleynta lacagaha iyo maal-gelinta argagixsada.”

Liiskan, oo horey ugu jireen 16 dal oo ay ka mid yihiin, Iran, Iraq, Syria, Afghanistan, Yemen iyo Korea-da Waqooyi, ayaa hadda noqonaya 19, waxaana kusoo biiray Sacuudiga, Nigeria iyo Panama.

Tallaabadan ayaa dhaawac xooggan ku ah Riyadh xilli ay isku dayeyso inay dhisto sumcadeeda caalamiga ah, si ay maal-gashtayaasha shisheeyaha ugu dhiiri-geliso inay dalkaas maal-gashtaan, si ay uga madax-banaanaato ku tiirsanaanta shidaalka.

Ka sokow dhaawaca caalamiga ah ee gaaraya, ku daristan liiskan waxa ay adkeyn doontaa macaamilka maaliyadeed ee Sacuudiga iyo bankiyada Midowga Yurub, sababtoo ah hay’adaha Sacuudiga ayaa mari doona hubitaan dheeri ah.

Like it? Share it!

Leave A Response