MIDOWGA YURUB OO WAR KA SOO SAARAY WEERARKII SHALAY

by admin | Tuesday, Oct 2, 2018 | 852 views

War ka soo baxay Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa looga hadlay qarax Ismiidaamin ahaa oo shalay lala beegsaday Ciidan u dhashay Dalka Talyaaniga oo marayay Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Midowga Yurub ayey ku sheegeen in Saraakiisha Talyaaniga ay ka soo laabteen tababar ay Wasaaradda Gaashaandhigga ku siiyeen Ciidanka Soomaaliya xilligii uu weerarka dhacayay.

Waxaa ay sheegeen in uusan jirin khasaare Ciidanka Midowga Yurub ka soo gaaray weerarkaas,waxaana ay xuseen in kolanyada la weeraray gaarayeen shan Gaari oo uu mid kaliya qaraxa saameeyay.

Waxaa ay tacsi u direen dadkii ku waxyeelloobay qaraxa iyaga oo sheegay natiijada qaraxa marka laga qiyaas qaato iyo waxa ka dhashay in Dadka rayidka ah ay inta badan ku nafwaayaan weerarrada AL-shabaab.

Dhinaca Al-shabaab waxaa ay sheegteen mas’uuliyadda iyaga oo xusay in afar ka mid ah Askarta caddaanka ah ay ku dileen weerarkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response