Milatariga Somaliya oo sheegay in 30 ka mid ah Al-shabab ku dileen Hiraan

by admin | Sunday, Mar 18, 2018 | 1072 views

Milatariga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya qeybtiisa Gobolka Hiraan ayaa sheegay in ay dileen ku dhawaad 30 ka mid ah Al-shabaab kaddib dagaal labada dhinac ku dhexmaray Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa ka dhaxay degaanka Ceelka Bulacle oo 25KM Koofur Bari uga beegan Magaalada Maxaas,halkaas oo ay shalay oo jimco ahayd ku dagaallameen labada dhinac.
Taliyaha Axmed Maxamed Maxmuud oo ah Taliyaha qeybta 52aad ee Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaal billowday shalay Subaxii uu dhamaaday 5:00PM ee galabnimo islamarkaana ay dileen xubno badan oo ka mid ah Al-shabaab.

25ka mid ah Xubnaha ay ka dileen Al-shabaab ayuu sheegay in la geeyay Magaalada Maxaas islamarkaana degaannadii lagu dagaallamay ay heystaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay in dagaalkii shalay ka dhacay Ceelka Bulacle ay ku dileen 18 ka mid ah Askarta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response