Miyuu dib usoo laaban Khilaafkii Dowlad goboleedyada iyo DF

by admin | Thursday, Feb 28, 2019 | 887 views

Saameyn aan wanaagsaneyn ayaa ka dhalatay  Khilaafkii mudada dheer u dhaxeeyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo madaxdii hore ee dowlad goboleeydada qaar, kaasi oo ka bilowday Khilaafkii dalalka Carabta.

Kadib Markii madaxdii ugu badneyd ee Soomaalida ay markale isku arkeen 26 Janaayo xafladii Caleemo saarka madaxweynaha Puntland, waxaa muuqatay isku soo dhawaansho iyo iscafin ay ku dhawaaqeen madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo.

Ka hor bisha Maarso oo lagu balamay in gogol lagu yeelanayo magaalada Garowe waxaa muuqata inay soo baxayaan hadal xanaf leh oo warbaahinta ay mariyeen madaxda seddexda maamul ee aan xiriir wanaagsan uusan kala dhaxeyn dowladda.

Maamulada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland ayaanan si wanaagsan saaxiib ula noqon madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana markale madaxda maamuladaasi ay jeediyeen hadalo ay ku muujinayeen tabashooyin ay ka qabaan dowladda.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay in Beesha caalamka ay si gaar ah kaga dalbanayaan inay helaan taageero dhanka amaanka ah, maadaama sida uu sheegay dowladda Soomaaliya aysan gaarsiin hubka iyo qalabka dhanka amaanka ee loogu dhiibo dowladda.

Wuxuu si cad isla maalintaasi u sheegay in Puntland ay isku filan tahay oo ay ka tashaneyso dowladda, maadaama ay la dagaalamayaan Al Shabaab iyo Kooxda Daacish oo iyagana isku haya buuraha Puntland.

Hadalkaasi wuxuu ahaa midkiisii ugu horeeyay uu jeediyo tan iyo markii xilka loo doortay bishii Janaayo siddeedii, maadaama uu toos u muujiyay sida uusan ula dhacsaneyn durba dowladda.

Dhankiisa madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf madaxweynaha Galmudug ayaa ka sheegay magaalada Gaalkacyo in dowladda Soomaaliya wali ay hurineyso colaadaha gobolka, wuxuuna hadalkaasi ahaa mid uu jeediyay kadib kasoo laabashadii magaalada Garowe oo is cafin lagu wada balamay.

Axmed Madoobe waxaa hadda hortaala doorashada madaxtinimada Jubbaland, waxaana dhawaan Kismaayo lagu weeraray Musharax doonaya inuu la tartamo Axmed Madoobe Mr Seeraar oo afhayeen Jubbaland ka ahaa, waxaana uu Aamisan yahay in dhanka dowladda uu ka socdo.

Marka la eego hadalada xanafta leh iyo talaabooyinka maamuladaasi ay qaadeen waxaa la isweydiin karaa miyuu markale soo laaban karaa khilaafkii dowladda iyo maamul goboleedyada ka hor shirka bisha March ka dhacaya magaalada Garowe.

Like it? Share it!

Leave A Response