Miyuu Madaxweyne Trump ku fashilmay dhisida darbiga xuduuda ?

by admin | Saturday, Dec 22, 2018 | 764 views

Warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in madaxweynaha Mareykanka uu saacadaha ina soo aadan uu shaacin doono in uu ku fashilmay dhisida darbiga xuduuda Mexico oo uu doorashada ku galay.

Donald Trump ayaa waxaa cadaadis xoogan saaray sharci dejiyayaasha dalkaasi oo u diidan in ay u ansixiayaan miisaaniyada uu ku dhisi lahaa darbigaasi, iyaga oo ka duulaya hadalka uu doorashada ksuoo galay ee ahaa in qarashka ku baxaya dhismaha darbigaasi ay Mexico dhiibi doonto.

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan sheegi doono sida lagu wado in uu ku fashilmay dhismaha darbiga xuduuda uu Mareykanka la wadaago Mexico waxa ayna noqon doonto guul darro weyn oo maamulkiisa soo wajahda

Like it? Share it!

Leave A Response