Mohamed Salah vs Marcelo, Cristiano Ronaldo Vs Trent Alexander-Arnold Iyo Lix Meelood Oo Ay Real Madrid Iyo Liverpool Ugu Kala Guulaysan Karaan Finalka Champions League.

by admin | Saturday, May 26, 2018 | 1111 views

Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa si wayn ugu dagaalami doona koobka UEFA Champions League marka ay caawa ku kulmaan magaalada Kiev oo ay waqti dheer u soo diyaar garoobayeen, waxaana caawa la ogaan doonaa kooxda horyaalka Yurub noqon doonta xili ciyaareedkan 2017/18 oo si rasmi ah u soo xidhmi doona.

Labada kooxood ayaa xili ciyaareedkan dagaal xoogan u soo galay in ay soo gaadhaan finalka Kiev ee Champions League laakiin waxay gali doonaan kulankii ugu adkaa ee koobka loogu kala guulaysanayo. Jurgen Klopp oo aan rekoodh fiican ku lahayn kulamada finalada iyo Zidane oo aan wali wax kulan kama danbays ah soo guuldaraysan ayaa kulankan tatiko ahaan isku wajihi doona.

Laakiin waxaa jira meelo gaar ah oo ay labada kooxood uga kala guulaysan karaan iyada oo goobaha qaar uu dagaal khaas ahi ku dhex mari doono ciyaartoy gaar ah. Inkasta oo 22 ka ciyaartoy ee garoonka soo wada gali doonaa ay muhiimad wayn u yeelan doonaan labada kooxoodba waxaa haddana jira meelo khaas ah oo haddaba isha si gaar ah loogu hayo.

Haddaba shabada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xogta lix meelood oo ay Real Madrid iyo Liverpool caawa ku kala badin karaan oo ay koobka UEFA Champions League ugu guulaysan karaan halkan ayaanad kaga bogan kartaa goobaha dagaalka wayni ka dhici doono ee kooxda gacanta sare yeelataa ay badin karto.

1- Cristiano Ronaldo Vs Trent Alexander-Arnold:

Jurgen Klopp ayaa booska difaaca midig ee kooxdiisa ku aamini doona 19 sano jirka ree England ee Trent Alexander-Arnold kaas oo shaqo layaableh xili ciyaareedkan ka soo qabtay booskan. Trent Alexander-Arnold ayaa si toos ah uga hor iman doona xidiga Real Madrid ugu muhiimsan ee Cristian Ronaldo kaas oo la filayo in sidii looga bartay uu ka ciyaari doono booska garabka bidix ee weerarka isaga oo sidoo kale weerarka dhexe u soo guuri doona marka kasta oo uu fursad raadinayo.

Dagaalka uu Trent Alexander-Arnold kaga hor iman doono Ronaldo oo haysta abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ayaa noqon doonta imtixaankii ugu adkaa ee uu da’yarkani mari doono laakiin waxa uu muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in uu xataa ka faa’iidaysan karo dhaliilo uu sheegay in uu Ronaldo hadda leeyahay.

Cristaino Ronaldo oo 33 sano jir ah isla markaana leh khibrada ugu fiican ee UEFA Champions League ayaa isku dayi doona in uu fursad walba ku raadsado da’yarkan Trent Alexander-Arnold, waxaana loo arkaa in ay tahay goob Real Madrid si wayn muhiim ugu noqon doonta haddii uu Ronaldo ka lug baxo dhiiranaanta da’yarkan.

Jurgen Klopp ayaa ku dooday in waxa ugu muhiimsan ee ay doonayaan in ay sameeyaan uu yahay sidii ay Ronaldo ugu yaran lahaayeen kubbada si aanu u helin fursado badan, balse Trent Alexander-Arnold oo shaqo wayn ka soo qabtay xili ciyaareedkan ayaa la arki doonaa waxa Ronaldo uu kala hortago inkasta oo kulankii Roma uu dhibaato badan la kulmay.

Ronaldo oo 15 gool ka soo dhaliyay Champoins League intii uu xili ciyaareedkani socday ayaa doonaya in uu markii shanaad ku guulaysato koobkan isaga oo maanka ku haya in koobkan la’aantiis uu xili ciyaareedka kooxdiisu musiibo ku dhamaan doono isla markaana aanu abaal marin shaqsi ah u tartami karin.

2-Mohamed Salah vs Marcelo:

Dagaalka labaad waxa uu ka garab socon doonaa kan hore ee aan soo sheegnay ee dhex mari doona Cristaino Ronaldo iyo Trent Alexander-Arnold, maadaama oo Ronaldo uu ka hor ciyaari doono xidiga ay sida wayn isku fahmaan ee Marcelo halka Mohamed Salah uu isna ka horayn doono Trent Alexander-Arnold.

Marcelo ayaa loo arkaa difaaca bidix ee aduunka ugu fiican, wuxuuna isku darsaday in uu shaqo layaableh kooxdiisa uga qabto ka qayb galka iyo dhismaha weerar si la mid ah in uu difaacasho fiican sameeyo, laakiin xidiga ree Brazil ayaa isna mari doona imtixaan adag oo kala kulmi doono Mohamed Salah.

Xili ciyaareedkii 2015/16, Marcelo ayaa nooc kasta oo dhibaato ah kala kulmay Mohamed Salah oo uu AS Roma kaga hor yimid isaga oo markaas u baahday in Sergio Ramos iyo Kroos uu caawin wayn ka helayay iyaga oo markasta oo uu soo dhaafo dhexda u sii galayay.

Mohamed Salah ayaa xili ciyaaredkan kooxdiisa Liverpool u soo dhaliyay 44 gool wuxuuna ku soo guulaystay abaal marin kasta oo muhiim ah oo horyaalka Premier league ah, laakiin waxa uu xidiga ree Masar safanayaa kulankii waayihiisa ciyaareed ugu muhiimsanaa isaga oo isku dayi doona qaabkii uu Marcelo ku dhaafi lahaa.

Waxa xiisaha badan ayaa ah qaabka uu Marcelo u joojin doono Mohamed Salah balse uu haddana iskugu dayi doono in uu weerarkii looga bartay qayb ka ahaado, waxaana loo arkaa in Marcelo ay culays wayn ku noqon doonto haddii uu u ciyaaro qaabkiisii caadiga ahaa ee weerarka u badanaa, maadaama oo haddii uu Mohamed Salah dhaafo aanu orod ku gaadhi karin.

Marcelo oo hadda 30 sano jir ah ayaa xili ciyaareedkan ka soo qayb qaatay 14 gool oo ay Real Madrid dhalisay waana 5 gool oo uu soo dhaliyay iyo 9 gool caawin oo uu sameeyay, waana sababta uu muhiimad khaas ah ugu leeyahay kooxda Zidane.

Dagaalka Mohamed Salah iyo Marcelo ayaa saamayn xoogan ku yeelan kara finalka Champions League iyada oo xidiga saamaynta ugu fiican sameeya ee gacanta sare yeeshaa uu kooxdiisa wax wayn ku soo kordhin doono.

3-Roberto Firmino vs Sergio Ramos

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa doonaya in taariikhda uu dib u soo celiyo isla markaana uu koobka UEFA Champions league uu ugu guulaysto garoonka NSC Olimpiyskiy Stadium kaas oo uu xulka qarankiisa Spain uu kula soo qaaday koobka qaramada Yurub ee Euro 2012, wuxuuna kulankan iskeenayaa isaga oo 41 kulan xili ciyaareedkan ka soo muuqday Los Blancos.

Sergio Ramos oo khibrad wayn u leh Champions League isla markaana ah xidig si wayn naftiisa ugu hura in uu Los Blancos guul gaadhsiiyo ayaa si toos ah uga hor iman doona Roberto Firmino oo xili ciyaareedkan si wayn u ahaa furaha weerarka Liverpool. Xidiga ree Brazil ayaa bandhig layaableh soo muujiyay xili ciyaareedkan isaga oo si toos ah sabab ugu ahaa in Sadio Mane iyo Mohamed Salah ay si laayableh isku fahmeen.

Sergio Ramos ayaa si cad u sheegay in finalka garoonka NSC Olimpiyskiy Stadium uu noqon doono finalkii abid ugu adkaa ee ay kooxdiisa ku soo matalay, wuxuuna difaaca dhexe ee kooxdiisa Madrid uu ku wajihi doonaa Firmino oo booska weerarka dhexe ugu soo bilaaban doona Reds balse xidiga ree Brazil ayaan ahayn No.9 jooga booskiisa wuxuuna kaga iman karaa dhinac kasta oo weerarka ah.

Firmino ayaa barbarayeeyay rekoodhkii xidigii abid goolasha ugu deg dega badan ka dhaliyay Champions League xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay waxaana rekoodhkan 10 gool ku haysta Adriano oo Milan u soo dhaliyay wuxuuna haddaba Firmino haystaa 10 gool oo uu 12 kulan ku soo dhaliyay.

Si kastaba ha ahaatee, qaabka uu Sergio Ramos ku joojiyo Roberto Firmino ama sida uu Firmino ku dhaafo Ramos ayaa saamayn xoogan ciyaarta finalka UCL ku yeelan karta.

4-James Milner vs Luka Modric:

Luka Modric ayaa ka mid ah awooda ka danbaysa Real Madrid wuxuuna awood buuxda u leeyahay in uu akhristo, fahmo isla markaana uu yeedho ciyaarta, waana mid ka mid ah xidigaha khadka dhexe ee awooda buuxda u leh in uu hal abuur samayn karo isla markaana uu difaacasho ku dari karo, laakiin waxa uu qayb ka yahay dagaalka khadka dhexe ee labada kooxood.

James Milner ayaa wajihi doona Luka Modric iyada oo Milner uu xili ciyaareedkan taariikh isaga u gaar ah uu ka soo sameeyay Champions League wuxuuna noqday xidigii abid ugu horeeyay ee 9 gool caawineed oo Champions League ah hal xili ciyaareed sameeyay.

Luka Modric ayaa 7 gool caawineed xili ciyaareedkan u sameeyay ciyaartoyda kooxdiisa laakiin hal gool caawin oo kaliya ayuu xili ciyaareedkan ka sameeyay UEFA Champions League halk Milner oo ay si toos ah isku wajihi doonaan uu rekoodh 9 gool caawineed ah soo sameeyay.

James Milner oo jabiyay rekoodhkii gool caawinta Champions league ee uu Wayne Rooney ku haysta 8 gool caawineed ayaa xili ciyaareedkan celcelis ahaan 87 kii daqiiqaba hal gool caawin ka soo sameeyay Champions league.

Awooda hal abuurnimo iyo difaacasho ee Luka Modric iyo James Milner ayaa la filayaa in ay noqon doonto goob kale oo loogu kala guulaysan karo kulanka finalka UCl.

5-Jordan Henderson vs Toni Kroos:

Way adag tahay in lays barbar dhigi karo Toni Kroos iyo Henderson sababtoo ah tayada iyo waayo aragnimada uu xidiga ree Germany u leeyahay UEFA Champions League iyo guud ahaan kubbada cagta, laakiin waxay noqon doonaan laba xidig oo si toos ah caawa ugu kulmi doona goob dagaal oo khadka dhexe ah iyada oo mid kastaaba aanu waxba la hadi doonin.

Tani Kroos waxaa lagu tilmaamaa mishiinka dhaqaajiya Real Madrid, wuxuuna masuul ka yahay qaabka ay Real Madrid u ciyaarto iyo waliba guulo badan oo ay soo gaadhay. Marka uu garoonka ku jiro, marar badan lama dareemo dhaq dhaqaaqiisa, waxaana loo arkaa wax walba oo Modric sameeyo, balse sirta iyo awooda ka danbaysa Real Madrid waxaa xog ahaan lagu qeexi karaa Kroos.

Laakiin xili ciyaareedkan Jordan Henderson ayaa si cad u soo muujiyay in uu horumar layaableh sameeyay isla markanaa uu khadka dhexe kula dagaalami karo ciyaartoy kasta oo tayo leh, wuxuuna soo muujiyay sida uu muhiim ugu yahay kooxda Jurgen Klopp.

Toni Kroos ayaa xili ciyaareedkan ku jira gool dhalintiisi abid ugu badnayd ee waayihiisa Real Madrid isaga oo 5 gool soo dhaliyay laakiin Henderson ayaa si wayn iskugu soo muujiyay Champions League isaga oo celcelis ahaan kulankiiba ka sameeyay 2.4 taakal iyo 1.6 uu kubbada dhexda ka qabtay.

Si kastaba, qaab ciyaareedka finalka Champions League ee Toni Kroos iyo Jordan Henderson ayaa noqon kara kuwo ciyaarta loogu kala guulaysan karo.

6- Zinedine Zidane Vs Jurgen Klopp:

Marka laga yimaado dagaalka kubbada cagta ee garoonka ku dhex mari doona xidiga kooxaha Real Madrid iyo Liverpool, waxaa jira dagaal dhinaca tatikada iyo fikrada ciyaarta ah oo ay soo xambaari doonaan ciyaartoyda labada kooxood taas oo ka iman doonta Zinedine Zidane iyo Jurgen Klopp.

Zidane ayaa hore dariiq u soo mariyay tababarayaal magac wayn oo uu ku jiro ninkii uu caawiyaha u soo ahaa ee Carlo Ancelotti, laakiin waxa uu markan wajahayaa macalinka ree Germany oo qaab ciyaareed aad u cadaadis badan ku dhisan kala hor iman doona Los Blancos kaas oo xili ciyaareedkan tatiko ahaan u soo garaacay Guardiola oo ka mid ah tababarayaasha kubbada cagta ugu fiican.

Laakiin rekoodhka Zidane ee kulamada finalka ah muddadii uu tababaraha ahaa ayaa ah kuwo cajiib ah halka taas badalkeeda uu Klopp leeyahay rekoodh aad u liita oo dhinaca kulamada finalka ah. Zidane ayaa waayihiisa tababaranimo ka soo muuqday 7 kulan final waxaana wax layaableh ah in uu dhamaantood soo guulaystay.

Laakiin Jurgen Klopp ayaa soo gaadhay 6 kulan final oo uu ka mid yihiin finalada Champions league iyo Euro League laakiin waxaa sidoo kale layaableh in Klopp uu hal kulan final kaliya soo guulaystay isla markaana uu soo guuldaraystay shanta kulan ee kale.

Waxa uu Klopp caawa qaadanayaa kulankiisii ugu waynaa waayihiisa tababaranimo ee Liverpool halka Zidane ay u tahay kulan kale oo final ah maadaama oo uu labadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay uu koobka UCL kula soo guulaystay Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka maskaxeed ee Jurgen Klopp iyo Zidane midka guulaysta ee ay kooxdiisu si buuxda u maamusho natiijo aha

Like it? Share it!

Leave A Response