Mooshinka Jawaari, Safarka Madaxweynaha ee Qatar iyo Madaxda Somaliland ee Imaaraatka Carabta

by admin | Sunday, Mar 18, 2018 | 1077 views

Cabdi Nuur Ibraahim Cabdalla oo Darsay Culuumta Siyaasada, Kana Faalooda Siyaasada Afrika iyo arimaha Amniga ayaa Falanqeeyay Buuqa Siyaasadeed ee ka dhashay Mooshinkii 14-Kii Bishan laga keenay Gudoomiye Jawaari, Safarka Madaxweynaha ee Qatar iyo arimaha Somaliland iyo Imaaraatka Carabta.
Cabdi Nuur oo ku sugan Dalka Ingiriiska ayaa Sheegay in wax laga argagaxo ay tahay Duulaanka Xukuumada ay ku qaaday hay’ada Sharci dejinta gaar ahaan Gudoomiyeheeda, Wuxuuna ku sifeeyay iney qeyb ka tahay weeraradii ka dhanka ahaa Siyaasiyiinta iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Madaxweyne Farmaajo ayuu ka dalabaday inuu soo bandhigo Mowqifkiisa ku aadan xaalada uu xiligan dalka kujiro, Uuna ka ahdlo aragtidiisa Mooshinka lagu doonayo in lagu rido Jawaari kahor inta aanu Madaxweynaha uduuli Qatar.
Aqoonyahan C/Nuur Ibraahim Cabdalla ayaa Khilaafka ka dhex jira Hay’adaha Fulinta iyo Sharci dejinta waxa uu ku sheegay iney fursad weyn utahay Dadaalada DP World ay ku dooneyso inuu xoojiso dhismaha Saldhigeeda berbera iyo Dekeda Magaalada oo heshiiskii udanbeeyay Saami %19 laga Siiyay Dowladda Itoobiya.
Waxa uu Carabka ku dhuftay in Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Cabdi iyo Qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada ay ku suganyihiin Imaaraatka Carabta, Maantana ay Hargeysa diyaarad gaar ah ka qaaday Taliyayaasha Ciidamada; Booliska, Sirdoonka, Milatariga iyo Asluubta Somaliland.
Ugu danbeyn Madaxda ugu sareysa ee dalka ayuu ugu baaqay iney uturaan Shacabka ayna eegaan Maslaxadooda, Kana fiirsadaan in dalkan dib loogu celiyo meel sanado hore laga keenay.

Like it? Share it!

Leave A Response