Mudo dheer Kadib Beeraleyda Baardheere Oo Bilaabaya Tacbashada Dalagga Beeraha,

by admin | Tuesday, Jul 10, 2018 | 868 views

Ku dhowaad Lix Boqol oo qoys kana mid ah beeraleyda Waraabka degmada Baardheere iyo qaar ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada ayaa la gudoonsiiyey gargaar ka kooban noocyada kala duwan ee abuurka.

Abuurka oo kamid ah dadka la gudoonsiiyay kaalmada abuurka  ayaa ka koobnaa Galey,Digir,Khudaar Masego iyo moordi qoysaskan ayaa ahaa kuwii uu saameeyay Fatahaaddii wabiga Jubba bishii Apriil waxaana ku burburay dalaggii ay tacbadeen.

Iimaan Cabdullahi Muuse oo ah ku xigeenka madaxa Iskaashatada beeraleyda Baardheere ayaa sheegay in beeraleyda ay hadda u diyaar garoobayaan tacbashada beerahooda.

“Waan ku faraxsannahay caawimaad abuurka ee nala soo gaarsiiyay waxayna ku soo aaday xilligii loo baahnaa oo la joogo abuurka beeraha, sagaal bilood wax miro ah oo ay goosteen beeraleyda ma jirin, dadka ayaa hadda waxaa ay ku howlanyihiin tacbashada beeraha”.

Beeraleydan ayaa caawimaadda abuurka waxaa gaarsiisay hay’ad lagu magacaabo Human Appeal si ay uga caawiso in ay tacbadaan dalagga beerahooda.

Like it? Share it!

Leave A Response