Muhaajiriin Afrikaan Ah Oo Laga Badbaadiyay Xeebaha Liibiya

by admin | Wednesday, Apr 25, 2018 | 1099 views

Ciidamada Badda Liibiya ayaa sheegay in laba howlgal oo ay ka fuliyeen Xeebaha dalkaasi ay ku soo badbaadiyeen 263 Muhaajiriin Afrikaan ah iyo Meydadka 11 kale .

Ayoub Kacem, oo ah Afhayeen ka tirsan Ciidamada Liibiya oo u warramay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay in howlgalkooda koobaad ay ka sameeyeen deegaanka Sabratha, oo 70 KM u jira Caasimadda dalkaasi ee Tropoli, ayna ku soo badbaadiyeen 83 Qof.

Howlgalka labaad ayaa waxa uu sheegay in ka sameeyeen Xeebta Zliten, taas oo 170 KM  u jirta caasimadda Tropoli, halkaas oo ay ka daabuleen 180 Muhaarijiin Afrikaan ah.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Muhaajiriintaasi dhammaantood ay yihiin Afrikaan, islamarkaana ay ku safrayeen Dooni jilicsan oo Badda kula qalibmatay.

Illaa iyo iminka makala cadda dalalka Afrika ee ka soo kala jeedaan Muhaajiriintaasi, balse Tahriibayaasha Soomaaliyeed ayaa had iyo jeer ku socdaala Badda u dhexeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.

Like it? Share it!

Leave A Response