Muqdisho: 3 guddoomiye waaxeed oo cabsi Shabaab darteed shaqada u joojiyay

by admin | Thursday, Oct 24, 2019 | 775 views

Saddax masuul oo ka tirsan maamulka degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir ayaa joojiyay shaqadii ay ka hayeen dowladda Hoose ee Xamar kadib markii ay soo wajahday cabsi badan oo dhanka ammaanka.Guddoomiye Waaxeedyadii qaabilsanaa Waaxyaha kala ah Nageyle, Faanoole, Farjano ayaa joojiyay shaqadii ay hayeen, waxaana qaarkood la sheegay in ay ka baxeen magaalada Muqdisho halka qof kamid ahna uu magan u noqday masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo xil sare haya.

Guddoomiyihii Waaxda Faanoole Fardowso Muxudiin ayaa joojisay shaqadii dowladda hoose ee gobalka Banaadir kadib markii ay soo waceen Al-Shabaab. islamarkaana ay uga digeen shaqada ay ku jirto. Fardowso waxay joojisay shaqada kadib markii maamulka gobalka u geysay in ay sii wadi karin shaqada waxayna sheegatay daruufo kale.

Sidoo kale waxaa hore shaqada Waaxda Nageyle ee degmada Kaaraan ujoojiyay Daadir Maxamed Xasan, waxaana la sheegay in uu sababsaday hanjabaada Al-Shabaab. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ayaa qiray in masuuliyiin ay sababo amni shaqada u joojiyeen.

Degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir waxay ka mid aheyd degmooyinka ugu amni roon Muqdisho hadase waxaa lagu tiriyaa degmooyinka ay ka dhacaan dilalka ugu badan.

Guddoomiye waaxeedyada gobalka Banaadir malahan ilaalo, sidoo kalane ma heestaan gaadiid waxayna qaarkood shaqada iyo danahooda kale ku aadaan gaadiid BL ah halka kuwa ugu roon ay kireestaan Bajaaj waxaana arimihaas ay qayb ka qaadanayaan halista ay wajahayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response