Muqdisho oo laga billaabay in waraabaha lagu daweeyo dadka walaan{Daawo]

by admin | Saturday, Jul 4, 2020 | 446 views

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkaan waxaa kusoo badanayay kooxo dadka ka dhaadhicinaya in Jinka ay ku daaweeyaan xayawaanka Waraabaha, maadaama Waraabuhu ay sheegeen in jinku uu arkaayo.

Kooxahaan ayaa dadka xanuunsan ee waalida qaba qol kula xira Waraabaha oo qoorta ka xiran, sidaasina dadka lacag aan badneyn ugu qaata, iyadoo dadka qaarkood ay aamineen arrintaasi quraafaadka ku saleysan.

Dadka ayaa bilaabay in ay dalbadaan baadiyaha fog ka dalbanaan xayawaanka Waraabaha ee xoolaha iyo wixii nool ugaarsada.

Ibrahim Cusmaan oo mudo 10 sano xaaskiisa cudurka waalida la ildarneyd ayaasheegay in xaaskiisa ay ku caafimaaday markii Waraabaha meel lagula xiray, haddana ay caafimaad qabto.

Sheikh Cabdi Xayi oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay in diinta Islaamka iyo cilmiga dhaqaatiirtaba aysan meelna uga qorneyn in Waraabaha lagu daweeyo Jinka.

Guryo gaar ah oo ku yaal Muqdisho ayaa sidoo kale, lagu kireeyaa waraabaha si ehelada dadka ka xanuunsan ay u tussaaan bukaanka, ayna aaminsan yihiin in jinka marka waraabuhu arko uu cararayo.

Sidoo kale, dadkaasi kireysta Waraabaha ayaa dadka usoo daawasho tago ka qaada xooggaa khidbad yar oo dhan 3000 Sh.Somali.

 

 

Daawo: Muqdisho oo laga billaabay in waraabaha lagu daweeyo dadka walaanDaawo: Muqdisho oo laga billaabay in waraabaha lagu daweeyo dadka walaanDaawo: Muqdisho oo laga billaabay in waraabaha lagu daweeyo dadka walaan

 

Daawo: Muqdisho oo laga billaabay in waraabaha lagu daweeyo dadka walaanDaawo: Muqdisho oo laga billaabay in waraabaha lagu daweeyo dadka walaan

Like it? Share it!

Leave A Response