Muqdisho: Qaraxyo dhiig ku daatay oo lagu qaaday Wasaarado Muhiim ah

by admin | Saturday, Jul 7, 2018 | 1395 views

Ugu yaraan 10 ruux oo shacab iyo Ciidan isugu jira ayaa ku dhintay Qaraxyaddii iyo Weerarkii tooska ahaa ee maanta Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Wasaaradda Amniga.Tiro aan ka yareeyn 20 ruux ayaa sidoo kale ku dhaawacmay, dadka dhaawaca ah iyo kuwa dhintayba waxaa ku jira shaqaale ka tirsan Wasaaradaha la weeraray.

Masuuliyiinta Dolwadda Soomaaliya wali faah-faahin kama bixin Qaraxyadda maanta Muqdisho ka dhacay.

Maamulka gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa Wariyeyaasha u sheegay in 13 Ruux oo dhaawac ah ay ka qaadeen goobta ay qaraxyadu ka dheceen.

Sarkaal ka tirsan ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa radio kulmiye u xaqiijiyay in ugu yaraan Sadax Askari oo katirsan Ciidanka ilaaladda Madaxtoyadda gaar ahaan Horin labaad ay ku dhinteen Weerarka.

Suxufiyiinta ayaa sheegay in ragga Weerarka qaaday wateen dharka lagu yaqaano Ciidanka Booliiska.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ee weerarka qaaday waxaa tiradooda lagu sheegay Afar Nin, mid ka mid ah waxaa uu waday gariga is qarxiyay halka Sadaxda kalena ay Ciidamadu ku dileen gudaha dhismaha, sidaas waxaa radio kulmiye u xaqiijiyay Saraakiil Dowladda ka tirsan.

Waxaa hadda dhismaha gudihiisa ka socda Howlgal hubin ah oo ay Ciidamaddu wadaan.

Like it? Share it!

Leave A Response