Musharixiintii la tartantay Madaxweyne Deni oo walaac muujiyay

by admin | Friday, Aug 23, 2019 | 30 views

War-Saxaafadeed ay soo saareen Musharixintii Madaxweynaha Puntland ee la tartamay siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ay Eedeyn kulul ugu jeediyeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

War-Saxaafadeedka oo ka kooban Lix qodob ayaa waxaa ay kaga hadleen Arrimaha Amniga,Dhaqaalaha Midnimada Puntland & khilaafka soo kala dhex-galay Madaxweynaha Puntland & kuxigeenkiisa.

Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka ay soo saareen Musharixiintii Madaxweynaha Puntland.

Annagoo ah siyaasiyiin iyo masuuliyiin u danqanaya Puntland, waxaan in mudda ah si dhow u la soconnay xaaladda Puntland ay ku sugantahay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo tan Siyaasadda, mudaddaas oo dhan indhaha uun baan kala soconnay, annagoo raja ka qabnay in xaaladda wax laga baddali doono, laakin nasiib darro; waxay gaartay xaalad aan marnaba laga aamusi karin maxaa yeelay xil goonni ah ayaa naga saaran, maadaama aannu nahay kana mid nahay masuuliyiinta u danqanaya dadkooda iyo dalkoodaba.

Maanta shacabkii waxay taaganyihiin xaalad aysan raalli ka ahayn sida xukuumadda hadda jirta wax u maamulayso, qabaa’illadu waxay bilaabeen si goonni, goonni ah ay aayahooda uga tashanayaan una shirayaan, waxay taasi ka turjumaysaa saluugga ay qabaan meesha uu gaarsiisanyahay, waana arrin wal-walkeeda leh oo Puntland midnimadeeda iyo wada noolaanshaheeda khatar galin karta.

Xaaladda isfahan-waaga ee xukuumadda ka dhex aloosan ee ay la kowsatay haddana bannaanka u soo baxay iyo khilaafaadka siyaasadeed ee soo deg-degay oo u dhexeeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland waa mid iyaduna walwalkeeda leh oo ku tusinaysa heerka habacsanaan iyo burburka dhinaca siyaasadeed ay Puntland la ildarantahay maanta.

Puntland waa dhul lawada leeyahay oo ay tahay qof kastoo innaga mid ah inuu buuxiyo doorka iyo kaalinta ku soo aadda.

Si looga gudbo xaaladda Puntland ay marayso maanta xukuumaddaana ay u noqoto mid ka shaqaysa danaha Puntland oo iyadoo isla jaanqaadsan shaqeysa, waxaan kula talinaynaa qodobadaan hoos ku xusan:-

  1. Waxaa muqadas ah midnimada gobolada Puntland, iyo ilaalinta soodimaha/xuduudaha ku astaysan dastuurka dowladda Puntland. Waxaana waajib ku ah dawladda adkaynta ammaanka gobollada gacanta ku jira iyo soo celinta kuwa maqanba. waxay Puntland 21-kii sano ku gashay jiritaankeeda dagaalo culculus oo badan oo ay naf iyo maalba u hurtay, oo ay ugu danbeeyeen kuwii sanadkii hore, cid goonniya oo Puntland ka tirsan kama geli karto waan-waan iyo tanaasul, waxaana ugu baaqaynaa shacabka inay u midoobaan difaaca dalkooda.
  2. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Puntland Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan inay ku dhameeyaan wadahal iyo is-af-garad ayagoo u maraya xalinta khilfaadkooda si waafaqsan dastuurka oo aan dhanna looga leexan. Annaguana waxaan diyaar u nahay inaan dhex-dhexaadinno.
  3. Xukuumaddu waa inay ku mashquushaa danaha shacabka Puntland oo ah inay gaarsiiso adeegyada baahida badan loo qabo.
  4. Xukuumadda waa inay la imaataa nidaam maaliyadeed oo daah furan si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo xukuumadda, lagana saaro shacabka shakiga galay in shaqsiyaad ay hantidoodii u samaysteen akoona goonniya oo iyaga u gaara ah.

 

  1. Waa in dawladdu ka dhabeysaa gaarsiinta waddanka nidaamka xisbiyada badan ee (qof iyo cod), taasina waxay u baahantahy la tashi salbaalaran iyo in waddada la qaadayo iyo hanaanka loo marayo uu noqdaa mid siyaasiyiintu iyo beesha caalamka ee daneeyayaasha dalkeenna ay aqbali karaan.
  2. Waa in la dhowraa xuquuqda bini-aadmaka iyo xorriyatul-qowlka iyo madax bannaanida saxaafadda, wixii cabasha ah iyo kala duwanaansho aragtiyada siyaasadeed aan lagu wajihin cabsi galin iyo cabburin ee loo maraa waddo sharciya ee waafaqsan dastuurka waddanka u deggan.

SAXIIXAYAASHA BAYAANKA 1’AAD:-

 

NO.

 

MAGACA

1.

Dr. Aadan Maxamed Ciise Gaadaale

2.

Jeneral Asad Cismaan Cabdullaahi

3.

Daahir Mire Jibriil

4.

Inj. Maxamed Cismaan CALI-MAAD

5.

Maxamuud Cabdi Axmed (Garlibaax)

6.

Jeneral Siciid Maxamad Xirsi

DHAMAAD,

Like it? Share it!

Leave A Response