Mustaqbalka Cesc Fabregas Ee Chelsea Oo Mugdi Hadheeyey Iyo Heshiis Cusub Oo Uu Ka Sugayey Oo Aan Weli Looga Jawaabin

by admin | Saturday, Oct 6, 2018 | 1023 views

Cesc Fabregas ayaa ka sugaya kooxdiisa inay usoo bandhigto qandaraas cusub oo uu kula sii joogayo, wakhti uu dhamaad ku dhow yahay heshiiska uu kula joogo kooxda woqooyiga London.

Laacibkan 31 jirka ah ayaa lumiyey booskii joogtada ahaa ee uu ku lahaa Blues tan iyo markii uu yimid tababare Maurizio Sarri, hase yeeshee dhaawac jilibka ahaa oo qayb ka qaatay maqnaanshihiisa bilowgii hore ee xili ciyaareedka ayaa isagana uu hadda ka caafimaad qabaa.

Inkasta oo uu kaydka galay, haddana Cesc Fabregas ma doonayo inuu qaato go’aan uu kaga tegayo Stamford Bridge, waxaana uu warbaahinta u sheegay in muddada siddeedda bilood ah ee uga hadhay dhamaadka qandaraaskiisa uu ka filayo kooxda inay usoo bandhigto heshiis cusub oo uu ka rajaynayey muddooyinkii u dambeeyey.

“Haddii aan si daacad ah u hadlo, kooxdu weli waxba iimay soo bandhigin. Dhamaadka heshiiskayga wax aka dhiman siddeed bilood, wixii markaa ka dambeeyana waan tegayaa, laakiin anigu waxa aan doonayaa inaan lasii joogo kooxda. Aad ayaann ugu faraxsanaa afar iyo badhkii sannadood ee aan joogay, waxay ahaayeen kuwo guulo ah oo aanu wax walba qaadnay. Jaamaahiirta iyo ciyaartooyada waxa naga dhexeeya isfaham, welina waxa aan dareensanahay inay kubbad igu hadhsan tahay, waxa se uu go’aanku u yaallaa kooxda.” Sidaas ayuu yidhi Cesc Fabregas.

Siyaasadda Chelsea ee ku saabsan ciyaartooyada ay da’doodu ka weyn tahay 31 jir, ayaa waxay xaddidaysaa inuu Fabregas helo heshiis muddo dheer ah, waxaana Blues ay usoo bandhigtaa laacibiinta markay gaadhaan da’daas ugu badnaan hal sano oo qandaraas ah oo marka uu dhamaadana ay suurtogal tahay in sannad sannad loogu cusboonaysiiyo.

Intii uu joogay Chelsea oo kasoo bilaabantay sannadkii 2014, Fabregas waxa uu ku guuleystay laba jeer horyaalka Premier League, FA Cup iyo League Cup.

Like it? Share it!

Leave A Response