Muuse Suudi “Hirshabeelle ha isku tashato wax xiligaan u soo socda ma jirto”

by admin | Monday, Nov 4, 2019 | 781 views

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay gurmadka loo saameynayo dadkii Magaalada Baladweyne uu ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Waxaa uu sheegay Muuse Suudi in dadkii uu sameeyay Wabiga Shabeelle aan weli la gaarsiin gurmadkii loo uruurinayay ee loo baahnaa in lasiiyo, isla markaana wax kasto ay noqdeen hadal uun kaliya.

Isaga oo ka hadlaayay Senator Muuse Suudi kulan Maanta ay yeesheen Xildhibaanada Aqalka Sare ayuu Hirshabeelle ugu baaqay inay isku tagasho, isagoona xusay in aysan jirin wax gurmad ah oo u socdo halkaas.

Senator Muuse ayaa u mahadceliyay Maamulka Puntland iyo dadka kunool deegaano kale, kuwaasi oo uu sheegay inay gumad usoo direen dadkii uu Baladweyne ku saameeyay fatahaada Wabiga, wuxuuna tilmaamay in aysan qof uu Gobolka Banaadir uga mahadcelinayo iyo dowlad intaba.

“Hirshabeelle ha isku tashato,Puntland iyo goboloda kale waan u mahad-celinayaa oo dadka fatahaaddu saameysay wqax lasoo gaaray,Gobolkaan banaadirna qof aan uga mahad-celinayo oo joogta ma jirto dowlad aan u mahad-celinayana ma jirto, Xaqoodi iyo Canshuurtoodi iyagaa cunay” ayuu yiri Senator Muuse.

Si kastaba hadalka Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo uu weli socdo gurmad loo sameeynayo dadkii uu Baladweyne ku saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response