Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

by admin | Friday, Jan 27, 2023 | 266 views

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa meelo kamid ah dalkaas waxaa ay kudileen Wiil Dhalinyaro Soomaali ah, kaas oo kamid ahaa Soomaalida dalkaasi u tegay inay ka Shaqeystaan, iyaga dilka kadib goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Beyle ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa Goob Ganacsi uu ku Shaqeeynayay, sida uu Risaaa u sheegay qof goobjooge ah.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa mar walba lagu dilaa Soomaalida, iyadaa oo dilalka loo geysanayo aysan wax ka qaban dowladda Koonfur Afrika, iyada oo dalkaasi lagu dilay Boqolaal Soomaali ah.

Like it? Share it!

Leave A Response