Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika

by admin | Monday, Sep 17, 2018 | 904 views

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa xalay degaan u dhow magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay, sidda ay Idaacadda Risaala u xaqiijiyeen ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Kooxo burcad ah ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen muwaadinkan oo ku sugnaa irida goobtiia ganacsi, waxaana kooxdan ay ku fureen rasaas, isla goobta ayuuna ku geeriyooday.

Ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Xuseen Koofurow, iyada oo markii dambe ay halkaasi meydkiisa ka qaadeen Booliska Koonfur Afrika iyo qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee dilka muwaadinkan ayaa qeyb ka ah ugaarsiga xargaha goostay ee had iyo jeer lagu naf-gooyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee South Africa u nolol iyo shaqo tagay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Jamaal Barow ayaa maalmo kahor sheegay inay wax ka qabanayaan dilalka loo geysto Soomaalida, balse weli ma muuqato talaabo arrintan loo qaaday.

Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.

Like it? Share it!

Leave A Response