Muxuu Ilkacase ka ogaa isku dayga khaarijin ee Asad Xaajiyow?

by admin | Friday, Jan 10, 2020 | 617 views

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa baahisey barnaamijkii la sugayey ee laga diyaariyey shabakad Al-Shabaab u qaabilsan dilalka Muqdisho, oo xubno ka tirsan la qabtay.

Inkastoo in ay jirto qayb labaad, xalqada koowaad oo ninka ugu badan ee kasoo muuqday uu yahay Maxamed Xaaji Axmed, “horjoogaha” shabakada, waxaa lagu soo bandhigay xogo kala duwan.

Macluumaadka ayaa ku saabsan howlgalada khaarijinta ee shabakadda Axmed ka fuliyeen magaalooyin ay kamid yihiin Muqdisho iyo Marka.

Iyaddoo magacyadiisa afgarashadu kamid yihiin; Daadir, Ilkacase, Cadaawe iyo Xudeyfa, falalka uu ku lug lahaa ayaa lagu beegsaday mas’uuliyiin, saraakiil ciidan iyo rayid ay ku jiraan shaqsiyaad caan ah.

Isku daygii dil ee Asad Xaajiyow

Shaqsiyaadka haatan caanka ah ee dilkooda uu wax ka ogaa waxaa kamid ah Asad Xaajiyow, Youtuber Soomaaliyeed, oo hadda ku nool Kuala Lumpur, caasimadda Malaysia.

26-kii August, 2012, dabley ayaa banaanka mehrad ku taala Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, waxay si daran ugu dhaawacday Asad Xaajiyow, oo ay ku dhacday lix xabadood.

Xabadaha oo looga beegsaday qeybaha sare ayaa ka dhex-baxay marka laga reebo mid ka haleeshay dhabarka oo dhalisay in uu lugaha ka naafoobo kuna socdo hadda gaariga curyaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response