Muxuu qabanayaa Dayax-gacmeedka Imaaraatka uu u dirayo Hawada Sare?

by admin | Tuesday, May 30, 2023 | 133 views

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday in ay Hawada sare u direyso Dayax-Gacmeed safarkiisa qaadan doono muddo dhan 7-sano si uu usoo sahmiyo walxaha ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System) sida hadalka loo dhigay.

Saadaasha xawaaraha Dayax-gacmeedka Imaaraatka Carabta ee Hawada sare loo dirayo waa 33,000 KM saacaddii in uu jaro, waxaana lala socon doonnaa safarkiisa soconaya muddadaas loo qorsheeyay iyo xogta uu soo uruuriyo.

Dayax-gacmeedka cusub waxaa shaqadiisa la billaabayaa sanadka 2028ka sida lagu yiri warka kasoo baxay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta oo sii shaacisay qorshaha Dayax-gacmeedkaas hawada sare ay u direyso.

Imaaraatka ayaa sanadkii 2020 meeraha Mars u diray Dayax-gacmeedkii ugu horreeyay iyada oo lagu howlan yahay soo tebinta xog-uruurinta loo diray, awoodda uu u yeeshay in uu gaaro meeshii la rabay iyo dhammaan waxyaabaha laga diiwaangeliyay.

Dalal badan ayaa ku baratamaya dayax-gacmeedyada hawada sare loo dirayo si ay usoo ogaadaan walxaha ku gedaaman bah cadceedeedda (Solar System) si khubaradu ay u oddorasaan macluumaadkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response