Nasra Cali Geesood oo lagu toogtay magaalada Muqdisho

by admin | Thursday, Jan 9, 2020 | 654 views

Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya dableey Hubeysan oo gudoomiye waaxeed ka tirsan degmada Hiliwa ee Goblka banaadir ku dilay halkaasi.

 

Guddoomiye waaxeedka la toogtay oo aheyd qof haween ah ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nasra Cali Geesood, waxaana goobta isaga baxsaday dableydii ka dambeeyey dilkeeda oo ku hubeysnaa buskoolado.

Haweeneyda la dilay oo aheyd qof aad looga garanayey deegaanka ayaa la sheegay inay aheyd  hooyo heysato illaa lix carruur

 

Dadka degaanka ayaa sheegay in markii uu dilka dhacay kadib ay halkaasi gaareen ciidamada amniga oo halkaasi baaritan ka sameeyay, balse aan ku guuleysan inay soo qabteen kuwii dilkaasi geystay.

 

Al-shabaab ayaa inta badan sheegata dilalka loo geysto mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan xubnaha maamulka Gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyey kusoo badanayey dilalka iyo qaraxda iyadoo ay xusid mudan tahay in jidadka ugu muhiimsan ee magaalada ay ku xiran yihiin Dhagxaan.

Like it? Share it!

Leave A Response