Nin Carro uga maqnaa qoyskiisa oo 66-sanno kaddib ku laabtay iyo soo dhaweeyn loo sameeyay {AKHRISO}

by admin | Saturday, Jan 28, 2023 | 183 views

Nin u dhashay dalka Uganda oo la waayay sannadkii 1957kii isagoo 45 jir ah ayaa ugu dambeyntii dib ugu soo laabtay xubno ka haray qoyskiisa ,waxaana ninkan muddo 66-sanno la weysanaa nolol iyo geeri halka uu ku dambeeyay.

Patrice Okubal kasoo jeeda beesha Iteso ee degta Uganda ayaa dib ula midoobay qoyskiisa talaadadii, kaddib markii uu dib ugu laabtay gurigii uu deganaa oo kuyaalla tuulada Guyaguya ee degmada Soroti oo hore loo oran jiray Katakwi.

Odaygan qoyskiisa dib ula midoobay hadda jira 111 sanno, waxaana dad badan aad ula yaabeen in ninkan 66 sanno kaddib dib ugu soo laabtay tuuladii uu kasoo jeeday ee degan yihiin dadka beeshiisa iyo xubno katirsan qoyskiisa.

Patrice Okubal waxaa si kal iyo laab ah loogu soo dhoweeyay dabbaaldeg laba maalmood socday oo qoyskiisa iyo dadka isku beesha yihiin u sameeyeen , waxaana soo dhaweyntiisa loo gowracay lo’ iyo ari.

Ninkan ayaa markii la weenayay waxaa u joogay shan carruur ah iyo xaas , hasa ahaatee waxaa hadda soo dhaweeyay labo kamid ah carruurta uu dhalay oo hadda kala jira 70-sanno iyo 66-sanno, waxaa sidoo kale soo dhaweeyay 139- carruur ah uu awoowe u yahay.

Okubal ayaa la rumeysan yahay inuu ka tagay gurigiisa kaddib markii la sheegay inuu hantidiisa ku waayay ciyaar khamaar ah uu dhigtay, waxaana tan iyo xilligaasi la waayay halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Awojat oo ah wiilka ugu yaraa carruurta odaygan ayaa sheegay in markii aabbihii uu lumiyay sharadka uu galay, ay saaxiibbadiis u tageen xubnaha Qabiilka Ibokora Atekok iyaga oo doonaya in la siiyo hooyadiis oo geeriyootay si ay xaq ugu yeeshaan.

Dhacdada kaddib, Awojat waxa uu sheegay in beeshiisa oo ay weheliyaan walaalihiis ka waaweyn ay garaaceen aabbaha, kaddib markii ay hooyadood u soo bandhigeen qayb ka mid ah ciyaaraha khamaarka.

“Waa markaas markii uu si qarsoodi ah uga dhuuntay guriga isagoo carreesana, waa la i naas nuujinayey markii uu tagayay aabahey, waxaa nala joogtay oo nasoo korisay hooyadeey Berite Olinga oo geeriyootay 2003dii ” ayuu yiri Awojat oo la hadlay Nation.

Carruurta uu aabahan dib loo helay dhalay iyo xubno kale oo ehel la ahaa ayaa sannado badan baadigoob ugu jiray, waxa ayna sheegeen in baadigoobkoodii joojiyeen 10-sanno kahor markii ay quusteen.

Odaygan la helay waxa uu kunoolaa guriga nin lagu magacaabi jiray Aloni Muzungyo, oo ahaa caaqil beeleed, waxaana markii uu dhintay ninkan uu sannadkii 1976 la noolaa gacanta ku hayay qoyskiisa, waxaana la sheegay in ninkan uusan yeelan qoys iyo carruur kale.

Like it? Share it!

Leave A Response