Nin Gabar Uu Guursan Lahaa Ku Waayay Miyuusik Uu Garaacay

by admin | Wednesday, Oct 3, 2018 | 953 views

Maxkamad ku taal dalka Sucuudi Carabiya ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay xukuntay in haweeney dalkaasi u dhalatay aanay guursan karin nin ay ragga ka soo xulatay sababo lagu sheegay inuu miyuusic garaacay.

Garsoorka ayaa ninkaasi waxa ay u arkeen in diin ahaan uusan gabadhaasi u qalmin. Go’aanka maxkamadda ayaa waxa uu taageeray aragtida qaraabada haweeneyda kuwaas oo ka soo horjeestay guurka.

Dad badan oo reer Sacuudi ah, ayaa waxa ay jecelyihin muusiqa balse waxaa jira qaar kale oo ay ku weyntahay boqortooyada qadiimiga ah ama diinta islaamka , taas oo muusiqa mamnuucday.

Waxa ay u arkaan in uu yahay dhaqan diinta Islaamka ka soo horjeeda,waxa ayna yasaan dadka heesaaga ah amaba garaaca muusiqa.

Kiiskaan maxkamadda ayaa ku saleeysan in qoyska gabar aan magaceeda la sheegin ay ka so horjeesteen qorsheheeda ah in ay guursato nin garaaca qalabka muusiqada.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in gabadha qaraabadeeda ay ku doodayaan in qofka heesaaga ah uusan diinta Islaamka ku dhaqmin.

Maxkamad hoose ayaa taagertay fikradaasi, taas oo xukunkeey riddayna laga qaatay racfaan.

Haweeneyda ayaa sheegtay in ninka uu wanaagsanyahy uuna iyada uqalmo, waxa ayna weli ku hanweyntahy in ay isaga guursato.

Like it? Share it!

Leave A Response