Nin haysta dhowr Baasaboor oo uu kan Soomaaliga ka mid yahay oo lagu xiray Kenya

by admin | Tuesday, Feb 5, 2019 | 776 views

Boliska Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin la tuhunsan yahay inuu yahay Hoggaamiyaha Dembiilayaasha Internet-ka oo 6-ii bilood ee la soo dhaafay lacago badan kala baxay Xisaabaadka  Macaamiisha ee lacagaha ku keydsaday Bangiyo ku yaalla dalkaasi.

Eedeysanaha la xiray waxaa magaciisa lagu sheegay Samatar Yuusuf, kaasi oo haysta Baasabooradda Soomaaliga, Kenyaanka iyo Maraykanka, iyadoo ilo dhinaca Sirdoonka Kenya rumeysan yihiin inuu Baasabooradaasi ku helay qaab aan sharci ahayn.

Eedeysanaha waxaa la sheegay in isbuucii hore lagu xiray Nairobi, xilli uu doonayey inuu laaluush siiyo Sarkaal ka tirsan Dembi-baarista Boliska Kenya ee DCI si loo sii daayo walaalkiisa iyo nin ay ilmo adeer yihiin.

Guddiga Anshaha iyo La-dagaalanka Musuqa ee dalkaasi waxay sheegeen in Samatar Yuusuf oo ah Ganacsade la xiray, isla markaana la hor geyn doono Maxkamadda.

Eedeysanaha waxaa la rumeysan yahay inuu dalka Maraykanka ku noolaa sannadihii 2000 ilaa 2010-kii,  oo isagoo Qaxooti ka yimid Soomaali ah tegay dalkaasi.

Waxa kale oo uu haystaa Kaarka Aqoonsiga iyo Baasaboorka Kenyanka, waxaana labadaa Dukumenti ku qoran inuu dhashay bishii November 18-dii ee sannadkii 1977-kii, halka Baasaboorkiisa Maraykanka u qoran tahay inuu dhashay bishii November 18-dii ee sannadkii 1979-kii.

Wargeyska Maalinlaha ee The Business Daily ee ka soo baxa Nairobi  waxa uu qoray in Eedeysanaha Baasaboorkiisa Kenyanka ku qoran yahay magaca Samatar Yuusuf Aadan, halka Kaarka Aqoonsiga Kenya ee Kabandhaha ku qoran yahay magaca Samatar Yuusuf Cabdi.

Dhinaca kale, Walaalkiisa xiran oo lagu magacaabo C/kariim Yuusuf Cabdi iyo ina-adeerkiisa, Axmed Maxamed Xasan waxay ka mid yihiin 130 Eedeysanayaal u xiran oo ku eedeysan Burcadda jabsata Internetka, kuwaasi oo lacago badan kala baxay Lacag-xisaabeedyo Bangiyo ku yaalla Kenya.

Isbuucii hore, Dembi-baarista Boliska Kenya iyo Bangiga Dhexe ee Kenya waxay soo daabaceen dhamaan Eedeysanayaasha la amray in la soo xiro, kuwaasi o oku lug leh Lacagaha lagala baxay qaar ka mid ah Bangiyadda ku yaalla gudaha dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Eedeysanayaasha jabsada Kombiyuutaradda gudaha dalka Kenya waxay muteysan karaan ganaax dhan 5 million oo Shillinka Kenya oo u dhiganta 50,000 oo Dollar ama Xabsi 3 sanno ama xarig iyo ganaaxa oo wadajira.

Like it? Share it!

Leave A Response