Nin hubeysan oo dad isku qoys ahaa ku dilay duleedka Muqdisho

by admin | Thursday, Jul 9, 2020 | 421 views

Wararka laga helayo deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in nin hubeysan uu weeraray qoys ka mid ahaa dadka deegaanka.

Ninka oo wararka qaar ay sheegayaan in uu ka tirsan yahay Booliska Soomaaliya ayaa ku hubeysnaa qoriga AK47,waxaana rasaas uu qoyska ku furay ku geeriyooday Afar Ruux halka Shan Ruux ay ku dhaawacmeen.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninka hubeysan uu Gabar ka qabtay Qoyska uu weeraray,hayeeshee sababaha ilaa iyo hadda aan la ogeyn uu u beegsaday qoyska.

Dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa u badan Carruur iyo haween, waxaana dadka deriska la ah qoyska la weeraray ay sheegeen in ay socdaan dadaallo loogu gurmanayo,sidoo kalena Ninkii falkaas geystay uu  goobta isaga baxsaday.

Like it? Share it!

Leave A Response