Nin Miino ku aasayay Muqdisho oo la toogtay

by admin | Tuesday, Dec 1, 2020 | 331 views

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay nin ay sheegeen in uu aasayay miino ku toogtay degmada Wartanabada gaar ahaan waaxda Horseed sida ay xaqiijiyeen taliska Ciidanka Booliska.

Booliska waxa ay sheegeen in ay ka hortageen falkaan, islamarkaana ninkaan uu miinada ku aasayay agagaarka Xaafada Nation.

Booliska waxa ay sheegeen in ninkaan la toogtay ka dib markii uu isdayay in uu ka baxsado ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Maamulka degmada Warta nabada ayaa uga mahadceliyay ciidanka booliska sida ay falkaan uga hortageen, waxaana ay sheegeen in ay sii wadi doonaan baaritaanada lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response