Ninkii ugu da’da weynaa oo loo magacaabay Guddoomiye degmo ka tirsan Gobolka Banaadir

by admin | Friday, Jul 5, 2019 | 944 views

Labo ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa is bedel lagu sameeyay, iyadoo mid ka mid ah loo magacaabay ninkii ugu da’da weynaa ee loo magacaabo Guddoomiye degmo muddo shan sano kaddib.

Muuse Geesey Jimcaale ayaa loo magacaabay xilka Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, kaddib markii xilka laga qaaday C/weli C/llaahi Maxamed loo magacaabay bishii Janaayo, isla markaana xilka hayay ku dhowaad lix bilood.

Mr Geesey ayaa da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo todobaatan jir, waxaa uu noqonayaa ninka ugu da’da weyn Maamulka Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Muuse Geesey uu ka soo shaqeeyay degmooyinka Heliwaa iyo Dayniile oo wakiil ka soo noqday, wararka qaar ayaa sheegaya inuu ka tirsanaa Xooggag loogu magac daray Waddaniyiinta oo uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo, isla markaana ka jira degmooyinka, iyagoo si toos u hoos-taga Madaxtooyada.

Xooggaga loogu magac daray Waddaniyiinta ayaa la sheegaa inay u howlgalaan sidii maamul hoosaad oo kale, iyagoo degmo kastana ku leh Wakiil u shaqeeya sidii Guddoomiye oo kale, kaasoo dabagalaya howlaha Guddoomiyaha degmada, waxaana la sheegaa inay awood badan leeyihiin oo ay awaamiirta ka qaataan Madaxtooyada.

Magacaabidan ayaa timid xilli hadal heyn badan jirtay maalmahan oo la xiriiray is bedelo lagu sameynayo maamulada degmooyinkan oo tan iyo sanadkii 2014 loo magacaabayay rag dhalinyaro ah

Like it? Share it!

Leave A Response