NISA oo qabatay shabakad ka shaqeysa dhaqida Dollarka madow

by admin | Thursday, Oct 11, 2018 | 832 views

Ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde waxa ay ku qabteen shabakad ka shaqeysa fal dambiyeedka lacag dhaqida dollarka madow iyo sameynta dollar been abuur ah.

NISA qoraal ay soo dhigtay Twitter-keeda ayaa waxa ay ku sheegtay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen laba ka mid ah raggaasi, islamarkaana lagu daba jiro kuwa kale.

Waxaa kaloo Hay’addu sheegtay in mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka uu u sahlay shabakadaas gudbinta garoonka, islamarkaana galka baarista ee shabadda uu arrintan u gudbinayo hey’adaha sharciga ee ku shaqada leh, si tallaabo looga qaado.

Qoraalka NISA ayaa lagu yiri sidan “Ciidamada ammaanka garoonka Aadan Cade ee Muqdisho waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-dambiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba ka mid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu daba jiraa”.

Hay’adaha ammaanka ayaa marar badan sidan oo kale u soo qabtay ragga ka shaqeysta dhaqida Dollarka madow, iyadoo ay Maxkamadda gobolka Banaadir horkeeneen eedeysanayaal badan, shakhsiyaadka loo xukumo dhaqista Dollarka madow ayaa lagu xiraa xabsiga dhexe ee Xamar.

Like it? Share it!

Leave A Response